Berbera
From Wikipedia
Berbera waa magalo madaxda gobol ka Saaxil ee dhinaca Somaliland waana degada ugu wanaagsan qaybta Badacas ka hooseysa , Dawladi hore markay jirtey iyo ilaa hadda Berbera waa degad camiran laakiin sidii hore uma camirno. Berbera waa magaalo caana oo aad u da wayn, sidda ay ku tilmaaman tahay buugaagta taariikhdda ee ay qoreen rag uu ka mid yahay Ibnu batuta. Waxa magaaladda dagan dad ku dho ilaa iyo 100 000 oo qof waana ay sii kordhaysaa tiradda dadku. Cimiladda magaaladdu aad ayay u kulushahay, khaasatan xiliga xaggaga oo uu heerkulku gaadh illaa 45 garaad. Taas oo ay ka dambeysey xayiraadi Carabtu kusoo rogtey xoolihi somalida sanadadii la soo dhaafay. Shaqada ugu weyn ee hadda dekada kala wado hadda waxaa weeye alaabta ugu soo degta dalka Etoobiya markay wadanka Eritrea ka go´day dalkaas, ka xidhayna xidhiidhka Badacas.