Banaadir
From Wikipedia
Banaadir waa gobolka ugu yar dalka Soomaaliya wuxuuna ka kooban yahay 16 degmooyin ee magaalo-madaxda dalka Soomaaliya Xamar iyo baadiyaha ku xeeran, balse taariqiyan Banaadir waxaa la isku oran jirey magaalooyinka Soomaaliyeed ee ku yaal xeebaha Badweynta Hindiya laga bilaabo Cadale laguna geeyo magaalada Baraawe. Banaadir waxaa waqooyi ka xigta gobolka Shabeelada Dhexe, koonfur Shabeelada Hoose iyo bari oo ay ka xigto Badweynta Hindiya
[edit] Degmooyinka gobolka Banaadir
- Boondheere
- Xamarjajab
- Xamarweyne
- Dayniile
- Shibis
- Shingaani
- Dharkeenleey
- Cabdicasiis
- Kaaraan
- Heliwaa
- Hodan
- Howlwadaag
- Waaberi
- Wadajir
- Wardhiigleey
- Yaaqshiid